Guardiola Oo Codsi Weyn U Diray Jamaahiirta Man City

0
82

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola ayaa farriin muhiim ah usii diray taageerayaasha kooxdiisa kahor kulanka Arsenal ay la ballansan yihiin habeen dambe.

Labada kooxood ee xilli ciyaareedka badi kusoo tartamayay horyaalka ayaa habeen dambe ku kulmaya Etihad Stadium, Arsenal ayaa haatan shan dhibcood ku haysa hoggaanka walow ay laba kulan dheer tahay City.

Kooxda habeen dambe saddexda dhibcood wada qaadata ayaa loo arkaa inay u dhawdahay ku guuleysiga horyaalka. Arsenal ayaa saddexdii kulan ee ugu dambeeyay saddex barbardhac soo gashay iyagoo fursad dahabi ah siiyay City.

Guardiola ayaa kahor kulankaas taageerayaasha kooxdiisa u sheegay inay ciyaarayaan Final isla markaana u baahan yihiin inay garab istaagaan oo garoonka soo buuxiyaan kulanka kahor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here