Kylian Mbappe Oo Xalay Rikoodh Cajiib Ah Looga Diiwaangeliyey Horyaalka Ligue 1

0
52

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Weeraryahanka xulka qaranka Faransiiska iyo kooxda PSG ee Kylian Mbappe ayaa magaciisa ku qoray buugga taariikhda horyaalka Ligue 1, kaddib markii uu laba gool dhaliyey ciyaartii ay xalay 2-1 ku karbaasheen Angers, taas oo usii dhoweysay hanashada horyaalka Faransiiska oo ay kaabiga u saaran yihiin.

Sagaal daqiiqadood oo kaliya markii ay cicyaartu socotay ayay uu Lionel Messi kubbad u tuuray Juan Bernat oo xerada ganaaxa soo galaya, waxaana uu isna isku sii weydaariyey Kylian Mbappe oo shabaqa ku hubsaday goolka koowaad.

Messi ayaa mar kale ku habay kubbad cajiib ahayd oo uu Kylian Mbappe shabaqa gaadhsiiyey, wasxaana uu goolkani noqday mid taariikhda horyaalka Ligue 1 uu ku gelayo oo lagu xasuusan doono.

Kylian Mbappe ayaa waxa tirada goolasha uu ka dhaliyey horyaalka Ligue 1 ay marayaan 157 gool, halka uu caawiye ka noqday 57 kle, taas oo wadarta ka dhhigaysa 214.

Waxa uu sidoo kale noqday ciyaartoyga goolashii ugu badnaa ku lug yeeshay horyaalka Faransiiska tan iyo xilli ciyaareedkii 2006-07 oo uu Dimitri Payet oo waqtigaas u ciyaarayay Marselle uu noqday ciyaartoygan  ugu caawinta iyo dhalinta badan horyaalka.

Mbappe ayaa waxa uu bishii hore dhaafay rikoodhkii goolasha ee Edinson Cavani oo ahaa ciyaartoyga ugu goolasha badan PSG, waxaana uu hada Mbappe yahay ciyaartoyga saddexaad ee ugu caawinta badan horyaalka Ligue 1.

Dhinaca gool-dhalinta waxa uu kaga jiraa kaalinta 16aad, waxaana Kylian Mbappe uu 142 gool ka dambeeyaa Delio Onnis oo 299 gool ka dhaliyey horyaalka Faransiiska ee Ligue 1.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here