Tallaalka AstraZeneca oo sababay dhimashada dhakhtar qaabilsan Cilmi Nafsiga

0
41

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dhimashada dhakhtar, ayaa timid ka dib markii uu isku tallaaley talaalka ​​Oxford-AstraZeneca ee loogga hortago cudurka Covid-19.

Waxaa la sheegay in dhimashadiisa ay ka danbeysay talaalka, iyadoo ay soo if baxday “dhibaatooyinka aan la filayn ee tallaalka”, sidaasina waxaa lagu ogaaday baaritaan la sameeyey.

Stephen Wright, oo ah khabiir ku takhasusay cilmi-nafsiga kana tirsan hey’adda NHS oo ku sugan koonfurta-bari London, ayaa dhintay 10 maalmood, kadib talaalkii ​​ugu horreysay ee uu qaatay bishii Janaayo 2021-kii, sarkaal sare oo Andrew Harris la yiraahdo, ayaa sidaasi sheegay.

Dr Wright, oo 32 jir ah, ayaa waxaa ku dhacay xinjir dhiig maskaxda ah, ka dib markii la siiyay tallaalka.

Xaaskiisa Charlotte, ayaa waxay isku dayday inay bedesho “sababaha dabiiciga ah” ee ku dhacay ninkeeda, markii la qorayey shahaadada sababaha dhimashada ninkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here