Ronaldo Oo Lagu Eedeeyay Inuu Si Fudud Ku Xanaaqay, Dhaqan Xumada Uu Sameeyay & Sida Messi Ugu Qasbay.

0
104

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Weeraryahanka kooxda Al Nassr ee Cristiano Ronaldo ayaa markale muran iyo ceeb dhexda kaga jira kaddib kulankii ay kooxdiisu habeen hore guuldarrada 2-0 ah kala kulantay dhigeeda uu xifaaltanku kala dhaxeeyo ee Al Hilal.

Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya Ronaldo oo qaar kamida taageerayaasha garoonka tilmaamay ku caayaya.

Muuqaalka ayaa laga arkayaa taageerayaasha oo ku maadsanaya Ronnie iyagoo ku heesaya magaca ciyaaryahanka ay mudada dheer soo xifaaltamayeen ee Lionel Messi.

Cristiano oo lagu eedeeyay inuusan adkaysan karin ayaa taageerayaashaas u jawaabaya isagoo gacanta ku qabanaya xubinkiisa taranka.

Sidoo kale Cristiano ayaa kulanka dhexdiisa ka sameeyay arrin hadal hayn badan dhalisay oo ah inuu xuurteeyay ciyaaryahan Al Hilal ah walow uu garsoorihii ciyaarta ee Michael Oliver kaliya kaadh jaale ah ku siiyay dhacdadaas.

Ronaldo ayaa muhiim u ahaa Al Nassr tan iyo markii uu kooxda yimid isagoo 11 gool ugu soo dhaliyay 13 kulan tartamada oo dhan, si kastaba dad badan ayaa qaba inuu sabab u yahay shaqo ka caydhinta tababarihii hore ee Rudi Garcia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here