HORDHAC: Bayern v Man City

0
50

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Bayern Munich ayaa caawa Allianz Arena kusoo dhawaynaysa dhigeeda Manchester City oo lugtii hore ee wareega siddeeda Champions League 3-0 kusoo xasuuqday Etihad Stadium.

Bayern ayay hortaalaa buur dheer oo ay tahay inay fanato haddiiba ay soo laabasho ku fikirayso, kooxda gudubta ayaa afar dhammaadka ugu tagaysa Real Madrid oo 4-0 ku dhaaftay Chelsea isku gaynta labadii kulan.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Lucas Hernandez iyo Manuel Neuer ayaa wali dhaawacyo kaga maqan Bayern Munich halka Sadio Mane kasoo laabanayo ganaax hal kulan ah oo kooxdu saartay.

Cancelo ayaa ciyaartan kahor tagi kara kooxdiisa asalka ah ee City isagoo shaxda City kusoo bilaabanaya haddii Tuchel daafaca dhexe geeyo Pavard oo keydka dhigo Upamecano oo ku fashilmay lugtii hore.

Thomas Tuchel ayaa dib u helaya weeraryahanka dhexe ee Eric Maxim Choupo-Moting oo dhaawac ku seegay ciyaartii hore.

Foden ayaa ah ciyaaryahanka kaliya ee ka maqan markale Man City, John Stones ayaa doorka khadka dhexe dheeli doona marka ay kooxdiisu kubadda haysato balse daafaca kula soo bilaaban doona Dias, Akanji iyo Ake.

Sida kale Pep ayaan la filayn inuu isbedel ku sameeyo shaxdii uu Bavaria ku xasuuqay lugtii hore isagoo weerarka dheelsiinaya Silva, Grealish iyo Bernardo.

Shaxaha Macquulka Ah

Bayern Munich 4-2-3-1): Sommer; Cancelo, Pavard, De Ligt, Davies; Kimmich, Goretzka; Sane, Musiala, Coman; Choupo-Moting

Man City (3-2-4-1): Ederson; Akanji, Dias, Ake; Stones, Rodri; Silva, De Bruyne, Gundogan, Grealish; Haaland

Xogta Kulanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here