Mid kamid ah mucaaradka Madaxweyne Putin oo waqti dheer lagu xukumay

0
141

Jowhar – ( Radio Isnaay Qof u dhaq dhaqaaqa mucaaradka Madaxweyne Vladimir, oo la yiraahdo Kara-Murza, ayaa lagu xukumay 25 sano oo xarig ah, kadib markii lagu helay qiyaano qaran iyo eedeymo kale oo la xiriira dhaleeceynta uu qabo dagaalka Ukraine.

Ruuxan oo wada ah suxufi iyo siyaasi u dhashay Ruushka ee qaatay dhalashada Britishka, ayaa ah kii ugu dambeeyay ee tiro ka mid ah mucaaradka Putin oo la xiray, ama lagu qasbay inuu ka baxsado dalka Ruushka.

Waa uu diiday eedeymaha loo soo jeediyay, waxaana uu si weyn u dhaliilay maxkamadeyntiisa.

Toddobaadkii hore, ayaa wuxuu u sheegay maxkamad ku taalla magaalada Moscow: “Inuu diiwaan gelinayo kelmad kasta oo uu dhaho.”

41-jirkan ayaa door muhiim ah ka qaatay sidii dowladaha reer galbeedka loogga dhaadhicin lahaa inay cunaqabatayn ku soo rogaan saraakiisha Ruushka ee ku xad-gudbida xuquuqul insaanka, sidoo kalana ku kaca musuqmaasuqa.

Xukunka 25-ka sano ah ee lagu xukumay, ayaa ahaa tirada ugu badan ee ay dalbadeen dacwad oogayaasha, waana xukunkii ugu dheeraa ee qof mucaarad ah lagu xukumo ilaa haatan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here