Kooxaha Horyaalka Premier League Ku Dagaallami Doona Xilli-ciyaareedka Dambe Oo La Magacaabay

0
106

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ee xilli ciyaareedka dambe waxa uu noqon doonaa mid si adag loogu dagaallamo, waxaana uu u dhaxayn doonaa shan kooxood oo mid walba ay illa dhamaadka halgan u geli doono, sida uu sheegay halyeygii Arsenal ee Robert Pires.

Arsenal ayaa hadda lix dhibcood ku hoggaaminaysa horyaalka iyadoo siddeed ciyaarood hadhsan yihiin, iyada oo badisay 23 ka mid ah 30kii ciyaarood ee ay dheeshay, laakiin Manchester City oo ay ciyaar baaqi u tahay ayaa soo kulaalaysa, halka naadiyadii laa saadaalinayay ee Liverpool iyo Chelsea ay ku jiraan kaalmaha siddeedaad iyo 11aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here