Dad gaajo ugu dhintay Kenya kaddib markii baadari kaniisadeed uu ku wargeliyay inay cuntada ka soomaan.

0
98

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Booliska waddanka Kenya ayaa baadi goobaya xubno ka tirsan koox diimeed muran dhaliyay oo noloshooduna ay khatar ku jirto.

Saraakiisha ayaa Khamistii helay 15 qof oo aad u xanuunsanaya, kuwaas oo lala xiriirinayo kaniisadda Good News International oo ku taalla magaalo xeebeedka Kilifi ee dalka Kenya.

Xaaladda 15-kaas qof ayaa ahayd mid aad u liidata, 11 kamid ah oo keliya ayaa loola cararay isbitaalka iyagoo ay weli nafta ku jirto.

Baadariga kaniisaddaasi, Pastor Makenzie Nthenge, ayaa lagu soo warramayaa inuu dadkaasi faray inaysan waxba cunin si ay u dhintaan oo horena ay janada ugu galaan.

Baadarigan ayaa bishii la soo dhaafay lagu soo eedeeyay dilka laba carruur ah oo waalidintooda ay ka qeyb galeen kanisadaasi, waxaana lagu soo siidaayay damiin lacageed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here