Boqollaal muhaajiriin ah oo weli ku xanniban doontii ay ku yimaadeen Talyaaniga.

0
57

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Afar boqol oo qof oo saarnaa doon kalluumeysi oo ku sugan xeebta koofureed ee Talyaaniga ayaan weli la soo badbaadin, in ka badan labo maalmood kaddib markii dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ay qeylo-dhaan direen.

Doonta, oo la rumeysan yahay inay ka soo shiraacatay magaalada Tobruk ee Libya, ayaa waxaa shalay raacay ilaalada xeebaha Talyaaniga.

Balse xaaladda gudaha doonta ayaa ah mid aan wanaagsaneyn.

Ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay in xaalado adag oo badda ah ay saameeyeen dadaallada samatabixinta.

Doonta waa mid ka mid ah labo doomood oo siday muhaajiriin kuwaasoo haatan ay caawinayaan ilaalada xeebaha Talyaaniga. Doonta labaad ayaa sidday ilaa 800 oo qof.

Ilaalada xeebaha dalkaas ayaa hore usoo badbaadiyay ilaa 2,000 oo qof howlgal kale oo ay sameynayeen tan iyo Jimcihii, kaddib markii tiro doomo ah ay gaareen jasiiradda Talyaaniga ee Lampedusa, oo ka mid ah meelaha ugu badan ee ay tagaan dadka doonaya inay gaaraan Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here