Wasiir fadeexo lagu qabtay oo xabsiga la dhigay

0
42

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wasiir ka tirsan xukuumadda Uganda ayaa xabsiga ku qaadan doonta fasaxa Easter-ka kadib markii lagu soo oogay dacwad la xiriirta fadeexad xatooyo kumanaan biro ah iyo saqafka saree ee guriga .

Qalabkaasi ayaa loogu tala galay bulshooyinka nugul ee gobolka waqooyi-bari ee Karamoja.

Mary Goretti Kitutu Kimono, oo ah wasiirka gobolka, ayaa maxkamadda horteeda ka sheegtay in aanay wax dambi ah gelin balse waxaa loo diiday in xabsiga laga sii daayo iyadoo weli baaritaano ay ku socdaan.

Ugu yaraan 10 kale oo mas’uuliyiin sarsare ah kana tirsan dawladda ayaa lagu eedeeyay inay hayaan qaar ka mid ah jiingadaha la xaday.

Waxaa ka mid ah Madaxweyne ku xigeenka, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Wasiiro kale, sida uu sheegay kormeeraha guud ee dowladda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here