Mucaaradka Kenya oo dalbadey in dibu eegis lagu sameeyo dastuurka.

0
83

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Isbaheysiga mucaaradka Kenya ee Azimio, ayaa doonaya in dib u eegis lagu sameeyo dastuurka dalka ee 13-sano jirsaday, si ay qeyb uga noqoto wada xaajoodka ay soo jeedinayaan, ee ay la yeelanayaan dowladda, si loo soo afjaro dibadbaxyada ka socda dalka.

Bayaan uu soo saaray hogaamiyaha mucaaradka, Raila Odinga, kadib kulan uu la qaatay kooxda baarlamaanka ee Azimio, ayaa sheegay in ay ku dari doonaan dib u eegista dastuurka “si meesha loogga saaro hanaankii ugu dambeeyay ee madaxweynenimada, taasoo noqotay boqortooyo “.

Bishii Febraayo, madaxweyne ku xigeenka Rigathi Gachagua, ayaa si weyn looggu dhaleeceeyay inuu yiri dowladdu waxay la mid tahay shirkad leh saamiyo, taasoo qaar ka mid ah ay ku leeyihiin saamiyo badan, qaarna aysan jirin.

Intaa ka dib, ayaa wuxuu sheegay Madaxweyne kuxigeenka Kenya, in hadalkiisa uula jeeday magacaabista xukuumadda, oo uu tilmaamay inay tahay in la siiyo dadka taageersan ajandayaasha madaxweynaha, balse aan la siin hantida qaranka, oo uu sheegay in si siman loo qaybsanayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here