Tababare Kale Oo Aan Cidina Filayn Oo Tartanka Shaqada Chelsea Soo Galay

0
90

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Kooxda Chelsea ayay warar cusubi sheegayaan inay ka fikirayso inay si lama filaan ah ugu dhaqaaqdo tababaraheedii hore ee Antonio Conte oo dhawaan ka tagay kooxda ay magaalo wadaaga yihiin ee Tottenham.

Mulkiile Todd Boehly iyo boodhk Chelsea ayaa raadinaya tababarihii saddexaad ee kooxdooda maamula mudada gaaban ee ay joogeen kaddib markii ay caydhiyeen Graham Potter oo 31 kulan oo liita kooxda hoggaamiyay.

Waxa soo baxay warka sheegaya in halyeeyga Blues ee Frank Lampard oo hore kooxda looga caydhiyay January 2021 uu la wareegayo maamulkeeda tababarenimo ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here