Trump oo diiday inuu qirto dacwadaha 34 kiis oo lagu soo oogay.

0
103

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxwaynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa Talaadadii maxkamada gobolka New York ka sheegay in aanu wax danbi ah galin 34 dacwadood oo lagu eedeeyay, kuwaas oo ay ka mid yihiin in uu ka been abuuray diiwaanka ganacsgiisa iyo lacag aamusin ah oo uu siiyay gabar sameysa aflaanta galmada, kahor doorashadii 2016.

Trump ayaa diiday inuu qirto eedda dambiga lagu soo oogay ka hor inta aan la horgeyn dacwad oogaha maxkamada sare ee gobolka New York Juan Merchan kadib markii sharciyaqannadu ay soo bandhigeen eedaha loo heysto.

Ma jirin taleefishin toos ah oo laga sii daayay dacwadda kadib markii Merchan uu diiday codsiyo uga yimid xarumaha warbaahinta oo ahaa in la sii daayo. Balse waxa uu oggolaaday koox yar oo sawir qaadayaal ah inay soo galaan maxkamadda ka hor inta aysan dacwadu bilaaban.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here