HORDHAC: Man United v Brentford

0
143

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Kooxda tababare Erik Ten Hag ee Manchester United ayaa la ballansan dhigeeda Brentford oo ahayd kooxdii kulankii labaad ee xilli ciyaareedka guuldarrada culus u geysatay.

Bees ayaa Manchester 4-0 ku jiid-jiiday wareegii hore, Red Devils ayaa doonaya aargoosi iyo waliba guul ay booska shanaad ee kala sarreynta Premier League kaga soo baxaan.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Aaron Wan Bissaka oo xanuun kasoo caafimaaday ayaa diyaar u ah Manchester balse wali waxaan taam buuxa ahayn Eriksen oo tababarka kusoo laabtay halka Casemiro markale ganaax ku maqnaanayo.

Sidoo kale waxa Manchester wali ka dhaawacan Tom Heaton, Donny van de Beek iyo Alejandro Garnacho.

Fred ayaa la filayaa inuu shaxda kusoo laabto isagoo booska kala baxata Scott McTominay halka Sancho iyo Martial kasoo hormari karaan Weghorst iyo Antony.

Dhinaca kooxda lagu naanayso shinida waxa dhaawacyo kaga maqnaan doona kulankan Kristoffer Ajer, Keane Lewis-Potter, Frank Onyeka iyo Vitaly Janelt.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Man United  (4-2-3-1): de Gea; Wan-Bissaka, Varane, Martinez, Shaw; Sabitzer, Fred; Sancho, Bruno Fernandes, Rashford; Martial

Brentford (3-4-3): Raya; Jansson, Pinnock, Mee; Hickey, Jensen, Norgaard, Henry; Mbeumo, Toney, Wissa

Xogta Kulanka

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 10:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: John Brooks

Garoonka: Old Trafford

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here