Man United Oo Saxeexa Da’yar Ku Garaacday Chelsea.

0
88

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Manchester United ayay warar cusubi sheegayaan inay saxeexa daafaca da’yarka ah ee Watford ee Harry Armass ku garaacday dhigeeda Chelsea

16 sano jirkaas ayaa noqday mid kamida da’yarta England kuwooda loogu indho-indhaynta badan yahay sanadahan dambe.

Walow uu ilaa haatan kaliya kasoo muuqday kooxda da’yarta ee Watford haddana Armass ayaa ah mid mustaqbal weyn loo saadaalinayo.

Haatan sida uu sheegayo il-wareedka Evening Standard, Armass ayaa ku biiri doona Man United oo dalabkii ay ku doonaysay ugu garaacday dhammaan kooxaha kale ee English-ka ah ee xiisaynayay ee ay ugu horreysay Chelsea.

Ciyaaryahanka ayaa la sheegay inuu muhiim u arko inuu u wareego koox weyn si uu u helo adeeg iyo agab wanaagsan oo uu waayihiisa ciyaareed ku horumarin karo.

Harry Armas oo daafac dhexe iyo daafac bidix labadaba ka dheelay ayaa loo magacaabay kursiga keydka kooxda koowaad ee Watford kulankii FA Cup ee ay Reading la ciyaareen bishii January.

Saxeexa Armass ayaa imanaya mudo kooban kaddib saxeexii Gabrielle Biancheri oo ah 16 sano jir kale oo si weyn loo qiimeeyo kaas oo bisha September heshiiskiisii ugu horreeyay ee xirfadle ah qalinka ugu duugi doona Red Devils.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here