Macron oo difaacay Go’aankiisa da’da hawl-gabka

0
84

Jowhar – Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa difaacay go’aanka dowladdiisa ay ku kordhisay da’da hawlgabka oo ah lixdan iyo laba ilaa lixdan iyo afar.

Mr Macron waxa uu sheegay in isbedelladani ay yihiin kuwo lama huraan ah, balse aysan ahayn wax lagu raaxaysto, uuna doonayo in la dhaqan geliyo dhamaadka sanadkan.

Siyaasaddan ayaa keentay mudaharaadyo baahsan oo inta badan rabshado wata.

Ra’yi ururintu waxay muujinayaan in dadweynaha ay ka soo horjeedaan tallaabadaas.

Dowladda Faransiiska ayaa si dirqi ah kaga bad baaday cod kalsooni kala noqosho ah horaantii isbuucaan, kadib markii ay ku qasabtay sharcigan in loo maro aqalka hoose ee baarlamaanka codeyn la’aan , iyadoo adeegsaneysa hab gaar ah isla markaana dastuuri ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here