Waqtiga Ay Tottenham Shaqada Ka Eryayso Antonio Conte Oo La Ogaaday

0
80

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Tottenham ayaa go’aan ka gaadhay tababare Antonio Conte kaddib markii uu weerar ku qaaday ciyaartoyda kooxda oo uu dhalliilo culus u mariyey warbaahinta Sabtidii oo ay barbarro 3-3 ah la galeen Southampton.

Guddoomiyaha Tottenham ee Daniel Levy ayaa kulan la yeeshay Antonio Conte kaddib hadalladii adkaa ee uu ku duray ciyaartoyda, waxaana la isla qaatay in tababaraha Talyaanigu uu ka tago kooxda oo la eryo inkasta oo waqtiga heshiiskiisa ay ka hadhsan yihiin saddex bilood oo uu qandaraaskiisu ku egyahay bisha June.

Sida uu qoray wargeyska Telegraph, Daniel Levy ayaa go’aansaday in Antonio Conte shaqada laga caydhiyo isla toddobaadkan, kaddib markii ay ciyaartoyda kooxdu ka dalbadeen in lasoo kala gaadho tababaraha Talyaaniga.

Inta badan ciyaartoyda ayaa waxay usoo jeediyeen Daniel Levy inuu shaqada ka eryo, waxaanay kooxdu xidhiidh la samaysay ciyaartoygeedii hore ee Ryan Mason oo ay doonayaan inay si ku-meelgaadh ah ugu dhiibaan tababarenimada kooxda.

Mason ayaa waxa uu hore tababare ku-meelgaadh ah ugu noqday Tottenham sannadkii 2021 markii ay shaqada ka caydhiyeen Jose Mourinho, laakiin waxa sidoo kale uu Daniel Levy wada-hadallo kula jiraa Mauricio Pochettino, Luis Enrique iyo Thomas Tuchel oo uu doonayo inuu midkood magacaabo. Waxa kale oo Tottenham lala xidhiidhinayaa tababaraha Fulham ee Marco Silva.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here