Shirkadda Amazon oo shaqada eryeysa in ka badan 9,000 oo shaqaale ah.

0
87

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Shirkadda Amazon ayaa qorshaynaysa inay toddobaadada soo socda ay shaqada ka erido in ka badan 9,000 oo shaqaale ah, sida laga soo xigtay maamulaha sare ee shirkaddaas Andy Jassy oo qoraal la wadaagay shaqaalaha maalinimadii Isniinta.

Tallaabadan ayaa noqonaysa, shaqo dhimistii labaad ee ugu ballaadhnayd ee ay abid samayso shirkadda Amazon, iyada oo hore shaqada uga fadhiisisay illaa 18,000 oo shaqaale ah.

Shirkadaha waaweyn ee dhinaca teknoolojiyadda ayaa ku dhawaaqay inay sannadkan dhimi doonaan kumanaan shaqaal ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here