Britain oo war hor leh ka soo saartay arrimaha dadka Magan-galya doonka ah

0
79

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dowladda Britain ayaa sheegtay dadka soo galootiga ah oo sida sharci darrada ah dalkaasi ku soo galo iney ku hayneyso xero militari oo ay ciidamadeeda isticmaali jireen xilligi uu socday dagaalki labaad ee adduunka.

Koox taariikhyahanno ah oo caan ka ah caalamka ayaa warqad furan u qoray dowladda Ingiriiska warqaddaasi oo ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan qorshaha dadka magan-galyo doonka ah lagu dajinayo saldhigga ciidamada cirka ee taariikhiga ah.

Golaha Deegaanka Galbeedka Lindsey ayaa horraantii bishan xaqiijiyay in Xafiiska Arrimaha Gudaha ee Ingiriiska uu qorsheynayo inuu u beddelo Saldhigga Ciidanka Cirka ee Boqortooyada Ingiriiska ee Scampton ee gobolka Lincolnshire, laga dhigo xaruun magan-galyo doonka lagu hayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here