Dowladda UK oo Saraakiisha dowlada ka mamnuucday barta TIKTOK.

0
100

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dowladda Ingiriiska, ayaa ka mamnuucday saraakiisha dowladda u shaqeeya iney isticmaalaan aaladda Tiktok-ga, iyagoo dowladdu ay ku salaysa sababo amni.

Aaladani, ayaa sanadihii u danbeeyey si weyn ugu dhex baahday bulshada caalamka.

Midowga Yurub ayaa horey 32 kun oo shaqaalihiisa ah ku amray in ay TikTok ka tirtiraan mobiladooda iyo dhammaan agabka elaktarooniga ah ee Midowga, sababo lala xariira amniga iyo badqabka xogta ku kaydsan.

Waxay sheegeen in xog kasta oo ku kaydsan moobeellada iyo kumbuyuutarrada uu TikTok ku degsanyahay laga daalacanayo dalka Shiinaha oo isaga iska leh TikTok.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here