Laba Arrimood Oo La Isku Diiddan Yahay Iyo Shuruudda Adag Ee Uu Messi Ku Xidhay Heshiiska Cusub Ee PSG

0
84

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi iyo kooxdiisa Paris Saint-Germain ayaa hore loo sheegay inay gaadheen heshiis hordhac ah oo uu kusii joogayo Parc des Princes, hase yeeshee waxa arrintaasi waxba kama jiraan ka dhigaya xogaha cusub ee laga helayo xiddigan iyo dadka ka agdhow.

PSG ayaa dedaal badan ku bixinaysa sidii ay usii haysan lahayd ugu yaraan hal sano oo kale, hase yeeshee waxa jira is-maandhaf u dhexeeya kabtanka Argentina oo la xidhiidha laba dhinac iyo shuruudo uu doonayo in loo buuxiyo.

Kooxda Sucuudiga ee Al Hilal aya la sheegay inay mushahar 194 milyan oo Gini oo sannadkii ah u diyaarisay Lionel Messi, waxaanay taasi ku riixaysaa inuu go’aan ku gaadho inuu lacag badan shaqaysto labada sannadood ee soo socda, isla markaana soo afjaro waayihiisa ciyaareed ee Yurub.

Sida ay warbaahinta Faransiisku ku warramyaan, Lionel Messi iyo PSG ayaa ku kala aragti duwan tirada sannadaha ay kooxdu u bandhigayso, waxaana jira laba fikradood oo aan midkoodna go’aan laga gadhin. Midda hore ayaa waxay tahay, in heshiis sannad ah la siiyo Lionel Messi iyo tan labaad oo ah in lacibkan gacanta loo geliyo sannad kale oo dookh ah oo uu kordhin karo marka uu dhamaado sannadka hore, taas oo ka dhignaanaysa inuu afar sannadood u ciyaari karayo PSG.

Marka laga yimaaddo arrintan, waxa jirta shuruud weyn oo ay kooxduna diiddan tahay inay u fuliso oo uu Lionel Messi ku xidhay PSG, waana inay siiso mushahar la mid ah ama u dhow midka Kylian Mbappe. Kooxda ayaa ku doodaysa in aanay macquul ahayn in ay bixiso mushahar la mid ah kan ay siiso Mbappe maadama ay jito dhaqaale xumo.

Si kastaba, Lionel Messi ayaa si xor ah ugu biiray PSG June 2021 kaddib markii uu dhamaaday qandaraaskiisii Barcelona, isla markaana la siin waayey heshiis cusub. Laga soo bilaabo waqtigaas, Messi ayaa u ciyaaray PSG 64 kulan oo uu u dhaliyey 29 gool iyo 32 uu caawiyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here