Jaban iyo Kuuriyada Koonfureed oo Colaad dheer kaddib heshiisyo gaaray.

0
78

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Japan iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa bogaadiyay bog cusub oo u furmay xiriirkooda kaasoo soo afjaraya dhowr sano oo cadaawad ah.

Labada dal ee dimuqraadiga ah ee Aasiya ay wajahayaan caqabado isa soo taraya oo uga imaanaya Waqooyiga Kuuriya iyo Shiinaha.

Ra’iisul wasaaraha Japan, Fumio Kishida, iyo madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Yoon Suk-yeol, ayaa ku dhawaaqay heshiisyo ku saabsan ganacsiga, iyo amniga ka dib kulan taariikhi ah oo ka dhacay magaalda Tokyo.

Mr Yoon ayaa sheegay in labada dal ay yihiin shuraako dabiici ah Mr Kishida ayaa dhankiisa sheegay in soo celinta xiriirka ay tahay mid deg deg ah ayna jiri doonaan shirar joogto ah oo socon doona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here