HORDHAC: Real Madrid v Liverpool

0
97

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Real Madrid oo haysata faa’idada lugtii hore ayaa Santiago Bernabeu ku qaabilaysa dhigeeda Liverpool oo iyadu guul soo laabasho ah doonaysa.

Los Blancos ayaa Reds guul 5-2 ah kaga soo gaadhay Anfield lugtii hore waxayna caawa u dadaali doonaan sidii ay ugu yaraan guuldarro weyn uga badbaadi lahaayeen ee ay wareega siddeed dhammaadka ugu gudbi lahaayeen.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Real Madrid waxa mudo kaddib usoo laabtay daafaca bidix ee Ferland Mendy halka sidoo kale Karim Benzema kasoo kabtay dhaawacii uu kulankii Espanyol kaga maqnaa.

Madrid waxa wali kasii maqnaan doona khabiirka daafaca dhexe ee David Alaba. Nacho ayaa daafaca bidix kusoo bilaaban kara isagoo xaga dambe kala ciyaaraya Carvajal, Rudiger, Militao iyo goolhaye Courtois.

Tchouameni, Kroos iyo Modric ayaa lagu wadaa inay khadka dhexe ku midoobaan halka Valverde weerarka kala dheeli karo Benzema iyo Vinicius Jr taas oo ka dhigan in Rodrygo keydka u laabanayo.

Liverpool waxa wali dhaawacyo ka qaba Luis Diaz, Thiago Alcantara, Joe Gomez iyo Calvin Ramsay walow Diaz iyo Gomez tababarka dib u bilaabeen.

Fabinho, Henderson iyo Bajcetic oo aan tababarkii u dambeeyay kasoo muuqan balse la duulay Liverpool ayaa lagu wadaa inay khadka dhexe ugu soo wada bilawdaan Reds.

Darwin Nunez iyo Mohamed Salah ayaa markale labada garab weerar dheelaya halka Cody Gakpo weerarka dhexe kusoo bilaaban karo.

Shaxaha Macquulka Ah

Real Madrid (4-3-3): Courtois; Carvajal, Militao, Rudiger, Nacho; Modric, Tchouameni, Kroos; Valverde, Benzema, Vinicius

Liverpool (4-3-3): Alisson; Alexander-Arnold, Konate, van Dijk, Robertson; Henderson, Fabinho, Bajcetic; Salah, Gakpo, Nunez

Xogta Kulanka

Tartanka: Champions League

Garoonka: Santiago Bernabeu

Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Felix Zwayer (Germany)

MA OGTAHAY?

  • Real Madrid waxay gudubtay 26 kamid ah 27kii jeer ee ugu dambeeyay ee ay kulan bug bax (Knock-out) ah lugta hore hoggaaminaysay.
  • Liverpool ayaa ah mid kamida afar kooxood oo English ah oo taariikhda Real Madrid ku garaacay Bernabeu.
  • Real Madrid waxay ka adkaatay Liverpool lix kamida toddobadoodii kulan ee ugu dambeeyay Champions League.
  • Sagaal darbo oo kaliya ayay Real Madrid shan gool kaga dhalisay Liverpool lugtii hore.
  • Liverpool waxa laga badiyay 10 kamida 19 kulan oo ay marti noqotay xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here