Haweeney horey tuug u ahayd oo loo magacaabay xafiis maaliyadeed.

0
83

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Haweeney u dhalatay dalka Koonfur Africa oo loo xiray inay adegsatay lacag badan oo si khaldan loogu soo diray ayaa haatan loo magacaabay xoghayaha maaliyadda ee guddi heer jaamaceeded ah.

Sibongile Mani ayaa shan sano ka hor waxaa si khaldan akoonkeeda bankiga ugu soo dhacay lacag gaareysa $1m (£700,000), intii ay soo warin lahayd, waxaa ay ku iibsatay telefoon, khamri, iyo waxyaabo kale kahor intaanan gacanta lagu soo dhigin.

Sida laga soo xigtay warbaahinta maxaliga, waxaa lagu xukumay shan sano oo xabsi ah balse xili hore ayaa la soo siidaayay.

Warbaahinta dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in Mani haatan loo doortay xoghayaha maaliyadda ee jaamacadda Walter Sisulu oo ku taalla Bariga magaalada Cape.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here