Duufaan wadata dabaylo iyo roobab oo ku dhufatay Mozambique

0
81

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dalka Mozambique, ayaa waxaa hareeyay roobab, dabeylo xooggan iyo daadad, iyadoo duufaantii Freddy ay soo gaartay, markii labaad muddo bil gudaheed ah.

Dalkan ku yaalla dhanka koonfureed ee qaaradda Afrika, ayaa waxaa ka da’ay roob xadigiisu badan yahay, sanad iyo afartii toddobaad ee la soo dhaafay.

Freddy ayaa waxaa laga yaabaa inay noqoto duufaantii ugu xiliga dheerayd ee la diiwaan geliyo, iyadoo asalkeedii ka timid waqooyi-galbeed ee Australia 34 maalmood ka hor.

Hal qof ayaa lagu soo waramayaa inuu ku dhintay, taasoo tirada dhimashadu ka dhigaysa ugu yaraan 28, tan iyo markii ay duufaantu markii ugu horreysay soo gaartay dalkani.

Dadka ayaa laga dalbaday inay u guuraan hoy ku meel gaar ah – oo ay ku jiraan iskuullo, kaniisado iyo bakhaaro.

In ka badan nus malyuun qof, ayaa wakhtigan halis ugu jiri kara masiibo bini’aadantinimo, sida ay sheegeen hay’adaha masiibooyinka maxalliga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here