Sacuudiga oo soo saaray xayiraado Ramadhaanka ku aaddan

0
79

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaadday awaamiir iyo xayiraado cusub oo ku aaddan habka loo gudanayo cibaadada bisha barakeysan ee Ramadhaanka sanadkan.

Awaamiirta iyo xayiraadaha ay wasaaradda Diinta ee Sacuudiga shaacisay waxaa ka mid ah sameecadaha masaajidda ee dibadda inaan la furi karin, la socoshada dadka ictikaafaya 10-ka dambe ee bisha Ramadhaan, xadiidaadda deeqaha iyo mamnuucidda duubista ama baahinta salaadaha masaajidda dhexdooda iwm.

Bayaan Jimchi wasaaradda ka soo baxay oo uu shaaciyey Wasiirka Arrimaha Diinta Sacuudiga Cabdulatiif Al-Sheikh waxay ka kooban tahay 10 qodob oo ay waajib tahay dadka ku nool Boqortooyada Sacuudiga iney u hoggaansamaan.

Qodobbadaasi oo ay ka mid yihiin ‘Imaamyada iyo Mu’addiniinta masaajidda iney masaajidda ka habsaami karin haddii ay jirin arrimo daruuri ah,” Salaadda taraawiixda inaan la dheereyn karin, Salaadda tahajudka ee tobanka dambe in la fududeeyo iyo in la dhammeeyo ka hor inta salaadda subax aan la gaarin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here