Sacuudiga iyo Iraan oo 7 sano kaddib ku heshiiyay inay dib u soo celiyaan xiriirkooda.

0
56

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Iraan iyo Sacuudiga ayaa muddo 7 sano ah kaddib ku heshiiyay in dib loo soo celiyayo xirriirkooda diblumaasi.

Waxay sidoo kale hir-gelin doonaan heshiisyo iskaashi, waxayna yeelan doonaan wadahadallo ku saabsan sidii loo sii xoojin lahaa xiriirkooda.

Arrintan ayaa timid kaddib markii ay wadahadallo ku yeesheen Shiinaha, waxaana la soo wariyay in labada dhinac, ay aad u mahdiyeen doorka ay Beijing ku lahayd hannaanka.

Labada dal ayaanan xirriir toos ahyeelan tan iyo sanadkii 2016-kii, markaas la weeraray safaaradda Texraan ee magaalada Riyadh, kaddib markii uu Sucuudigu dil toogasho ah ku fuliyay wadaad shiica ah.

Sacuudiga ayaa waxaa uu aad ugu dhowaa Mareykanka, oo xiriirka uu la leeyahay Iran iyo Shiinaha uu xumaaday.

Riyadh iyo Texraann ayaa kala taageerayay dhinacyada kala duwan ee dagaalka Yemen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here