Arsenal Oo Go’aan Ka Gaadhay Baacsiga Victor Osimhen, Maxaa Cusub.

0
101

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Arsenal ayaa durba isaga baxday tartanka ay ugu jirto saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Napoli ee Victor Osimhen, sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga 24 jirka ah ayaa qabtay indhaha kooxaha waaweyn ee reer yurub sabab la xidhiidha qaab ciyaareedka cajiibka ah ee uu qaadanayo, isaga oo dhaliyay 19 gool 21 kulan oo horyaalka Talyaaniga ah.

Osimhen ayaa Napoli ka caawiyay in ay 15 dhibcood oo cadaan ah ku hayso horyaalka Talyaaniga xilli ciyaareedkan waxana uu soo jiitay indhaha kooxaha tunka weyn ee qaarada.

Kooxaha Chelsea, Liverpool, Manchester United & Paris Saint-Germain ayaa haatanba lala xidhiidhinayaa xiddiga reer Nigeria.

Laakiin sida laga soo xigtay Fabrizio Romano, Arsenal ayaa haatanba isaga baxday baacsiga xiddiga lagamana yaabo in ay wax talaabo ah u qaado saxiixiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here