Tartan Kubadda Cagta ah oo lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Jowhar.

0
127

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ciyaarahaan oo soo socday Muddo Dheer ayaa waxaa Taabagelinyaya NGO-ga ORDO waxaana kutartamay 30 Kooxood sidoo kale Garoonka Xaseey Kumaari Xaafadda Horseed ee Magaalada Jowhar waxaa lagu soo Bandhigay Ciyaaro kale oo katurjumaya Hidaha Iyo Dhaqanka Dalkeena Sida Ciyaarta Dharay Jabiska, Ciyaarta Orodada, Ciyaar kale oo ay kutartamayeen Gabdho oo ahaa Mid Afka lagu soo qaadayay Ukunta Digaaga iyo Ciyaarta Orodada Jawaanka waxaana Finalka Ciyaartaan ay Taabagelineeysay NGO- Ordo isugu soo haray Kooxaha Midnimo iyo Jobkey Waqtigii 90ka daqiiqo waxa ay Ciyaarta kusoo dhamaatay 0-0 waxaana loo gudbay Rigoore oo Markii ugu dambeysay guushu kuraacday Kooxda Jobkey oo waxaana ay kusoo dhamaaday 6-5.

Warbixintan Waxaa Inoo Soo jeedinaya : -Cabdicasiis Xasan Macalin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here