Xog Muhiim Ah Oo Kasoo Korodhay Dhaawaca Pedri & Barcelona Oo War Heshay

0
73

Jowhar – ( Radio Isnaay) – Kooxda Barcelona ayaa war u wanaagsan ka heshay xaalada dhaawaca khadkeeda dhexe ee Pedri Gonzalez oo kulamadii ugu dambeeyay ka maqnaa.

Pedri ayaa ku dhaawacmay kulankii Manchester United ee Camp Nou ka dhacay isagoo seegay lugtii labaad ee ay kaga hadheen Europa League.

Maqnaanshaha cabqariga khadka dhexe ayay dareentay kooxda tababare Xavi Hernandez walow ay sagaal dhibcood u dheeraysatay dhibcaha ay hoggaanka La Liga ku hayso.

Guud ahaan Pedri ayaa Barcelona ka maqnaa shan kulan oo ay ciyaar ahaan dhibtootay kubad aad u qurxoona ciyaarin balse warka u fiican Barca ayaa ah inuu wakhtigii la filayay kahor soo laaban karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here