Sacuudiga oo qabtay mas’uuliyiin iibin jiray dal ku galkiisa.

0
100

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Hay’adda la dagaallanka musuq-maasuqa ee Sacuudi Carabiya ayaa shaacisay in ay gacanta ku dhigtay shabakad ay ka mid yihiin diblomaasiyiin ka ganacsan jiray dal ku galka Boqortooyada.

Hay’adda oo magaceeda loo yaqaano Nazaha ayaa sheegtay in 13 tuhunsanayaal ah loo qabtay musuq-maasuq ku kacay in ka badan 10 milyan oo dollar. Dadkaas waxaa kamid ah laba nin oo kamid ah hawlwadeennada safaaradda uu Sacuudiga ku leeyahay Bangladesh.

Shabakada ayaa la sheegay in qaab sharci darro ah ay dal ku galka shaqada uga iibin jireen muwaadiniinta Bangladesh ee donaya in ay ka shaqeeyaan gudaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Hay’adda ayaa sheegtay in baaritaankeeda ay bilowday kadib markii ay cabasho ka soo gaartay muwaadin Bangladesh u dhashay oo ku nool Sacuudiga, oo sheegay in shaqaalo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha ay ku amreen saxiixa malaayiin riyaal oo la siin lahaa maalgashade Falastiini ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here