Kylian Mbappe Oo Noqday Boqorka PSG

0
62

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kylian Mbappe ayaa taariikh sameeyay xalay ka dib markii uu shabaqa ka soo taabtay kooxda Nantes isagoo noqday xiddiga ugu goolasha badan abid kooxda Paris Saint-Germain.

Xalay oo Sabti aheyd PSG waxay kulan horyaalka Faransiiska ah la ciyaareysay kooxda Nantes.

Halyeeyga Argentina Lional Messi ayaa goolasha furay daqiiqadii 12aad, shan daqiiqo ka dib PSG waxay heshay goolkeedii labaad markii daafaca Nanes Hadjam uu shabaqa kubad iska geliyay.

Nantes waxaa daqiiqadii 31aad gool u soo celiyay Ludovic Blas oo ciyaarta ka dhigay 2-1.

Kooxda hogaamineysa horyaalka Faransiiska ayaa laga yaabsaday todoba daqiiqo ka dib markii Nantes ay ciyaarta ka dhigtay barbaro 2-2 ah.

Laakiin daqiiqadii 60aad PSG waxaa hogaanka ku soo celiyay Danilo. Labo daqiiqo oo waqtigii dheeriga ahaa ayuu Mbappe shabaqa soo taabtay isagoo dhaliyay goolkii afaraad ee PSG, wuxuuna jabiyay rikoodhka xiddiga abid ugu goolasha badan PSG.

Waxa uu ahaa goolkiisii 201aad ee uu u dhaliyo kooxda PSG, isagoo jabiyay rikoodhkii uu hore u hayay weeraryahanka reer Uruguay Edinson Cavani.

Kylian Mbappe waa 24 sanno jir, wuxuuna durbaba isku qoray buuga taariikhda kubada cagta:

🏆 Koob Adduun ayuu ku guuleystay

🏆 Da’ yarkii ugu fiicnaa Koobka Adduunka ayuu noqday

🏆 Kabta Dahabka Koobka Adduunka ayuu qaaday

🏆 UEFA Nations League ayuu ku guuleystay

🏆 3 jeer ayuu qaaday koobka Coupe de France

🏆 5 jeer ayuu ku guuleystay horyaalka Faransiiska ee Ligue 1

🏆 4 jeer ayuu ku guuleystay kabta dahabka Ligue 1

🏆 Xiddigii abid ugu goolasha badnaa PSG ayuu noqday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here