17 qof oo ku dhintay dab ka kacay keyd shidaal oo ku yaala dalka Indonesia.

0
93

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dab xooggan ayaa fiidnimadii Jimcaha ka kacay goob lagu keydiyo shidaalka oo ku taalla caasimadda Indonesia ee Jakarta, waxaana ku dhintay ugu yaraan 17 qof.

Saraakiisha ayaa sheegay in dabku uu ka kacay keydka shidaalka ee Plumpang, oo ay leedahay shirkadda tamarta dowladda ee Pertamina.

Muuqaal ay soo gudbisay warbaahinta Indonesia ayaa muujinayay boqollaal qof oo ku nool xaafadda ay dadku ku badan yihiin oo argagaxsan, halka dabdamiskuna ay ka shaqeeyeen daminta dabka.

Saraakiisha ayaa sheegay in dadka dhintay labo ka mid ah ay ahaayeen carruur, waxaana ay sheegeen in 50 kale oo ka mid ah dadka deegaanka la dhigay isbitaalka, kuwaas oo qaarkoodna ay si daran u gubteen.

Waxay sheegeen in inka badan 600 oo qof la daadgureeyay tan iyo markii uu dabku kacay abbaare 8-dii fiidnimo waqtiga maxaliga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here