Ku dhawaad soddon qof oo ku dhintay labo tareen oo isku dhacay gudaha dalka Giriiga.

0
115

Jowhar – (Radio Isnaay ) –  Waaxda dab damiska dalka Giriiga ayaa sheegtay in ugu yaraan sagaal iyo labaatan qof ay ku dhinteen in ka badan siddeetan iyo shan kalena ay ku dhaawacmeen ka dib marki ay laba tareen isku dheceen habeennimadii arbacada.

Shaqaalaha samatabbixinta oo ku shaqeynaya xaalad aad u adag meel ku dhow magaalada Larissa ayaa si aad ah u baaraya gaadiidka burbursan. Mid ka mid ah tareennada ayuu olol qabsaday markii hore, Waxaana jirta cabsi laga qabo in dad ay weli ku xayiranyihiin gudaha burburka.

Samatabbixiyaasha ayaa habeennimadii oo dhan ka shaqaynayay sidii ay u soo saari lahaayeen rakaab saarnaa mid ka mid ah tareenada markii uu shilku dhacay.

Tareenka ayaa la sheegay in ay saarnaayeen ilaa 350 rakaab ah uu ku dhacay tareen xamuul ah.

Muuqaalo lagu daabacay mareegaha wararka ee maxaliga ah ayaa muujinaya qiiq aad u badan oo ka soo baxayay tareennada burburay.

Ku dhawaad 150 shaqaalaha dab damiska ah iyo 40 ambalaas ah ayaa ku sugnaa goobta, sida ay sheegeen dabdamisku.

Ilaa hadda lama oga waxa sababay shilka tareenka rakaabka, kaas oo ku socdaalayay inta u dhaxaysa magaalooyinka Thessaloniki iyo Larissa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here