HORDHAC: Arsenal v Everton

0
112

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Arsenal ayaa caawa Emirates Stadium ku qaabilaysa dhigeeda Everton kulan muhiimad weyn u leh tartanka loogu jiro hanashada horyaalka Premier League.

Gunners ayaa ciyaaraya kulankoodii baaqiga u ahaa isla markaana shan dhibcood oo saafiya kahor mari kara kooxda booska labaad ee Manchester City.

Toffees ayaa dhinacooda doonaya inay guushii labaad toddobaadyo gudahood ka gaadhaan kooxda ree London kana soo kabtaan guuldarradii kasoo gaadhay Aston Villa toddobaadkii hore.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Tababare Mikel Arteta ayaa go’aan ka gaadhi doona haddii uu kusoo bilaabayo Thomas Partey oo aan safka asaasiga ah kusoo bilaabin ciyaarihii ugu dambeeyay.

Partey ayaa xulasho ahaan ka horreeya Jorginho balse xiddiga Talyaaniga ah ayaa kulamadii uu kooxda metelay si fiican usoo dhalaalay.

Sidoo kale Arteta ayaa kala dooran doona Leandro Trossard iyo Eddie Nketiah midkooda kusoo bilaabanaya doorka No.9.

Sean Dyche ayaa isagu kulankan waayaya weeraryahank asaasiga ah ee kooxdiisa ee Dominic Calvert-Lewin oo dhaawacan.

Shaxaha Macquulka Ah

Arsenal  (4-3-3): Ramsdale; Ben White, Saliba, Gabriel Magalhaes, Zinchenko; Odegaard, Jorginho, Xhaka; Saka, Trossard, Martinelli

Everton (4-5-1): Pickford; Coleman, Coady, Tarkowski, Mykolenko; Iwobi, Doucoure, Gueye, Onana, McNeil; Maupay

Xogta Kulanka

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 10:45 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Michael Oliver

Garoonka: Emirates Stadium

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here