Lionel Messi Oo Ku Guuleystay Abaal-marinta Xiddiga Sannadka Ee The Best.

0
94

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa markii saddexaad ku guuleystay abaal-marinta ciyaartoyga ugu fiican ee ay bixiso FIFA, kaddib markii uu waddankiisa u qaaday Koobka Adduunka oo muddo 36 sannadood ah ay ka qatanaayeen.

Lionel Messi ayaa codadkii ugu bdnaa helay, waxaana uu abaal-marintn ku garaacay labadii ciyaartoy ee reer France ee kula tartamayay ee Kylian Mbappe iyo Karim Benzema oo kaalmaha labaad iyo saddexaadkala galay.

Madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta FIFA ee Infantino ayaa si gaar ah ugu soo kacay Lionel Messi si uu ugu dhawaaqo magaca Lionel Messi oo sababta ugu weyn ee uu u qaaday abaal-marintan ay tahay guushii Koobka Adduunka iyo wacdarihii uu ka dhigay tartankaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here