In ka badan 30 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku burburtay xeebaha Tanlyaaniga

0
87

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – In ka badan 30 qof oo tahriibayaal ah oo uu ku jiro ilmo yar oo dhabta saaran ayaa dhintay tobanaan kalena waa ay ka badbaadeen kadib markii doon ay saarnaayeen oo si xad dhaaf dad u saarnaayeen ay ku degtay badda oo kacsan, koonfurta Talyaaniga.

Doonta ayaa la sheegay in ay burburtay xilli ay doonaysay in ku xirati xeebta magaalada Crotone ee gobolka Calabria si ay uga dagaan in ka badan 100 qof oo ssarnaa.

Meydad badan ayaa laga soo saaray xeebta meel u dhow halka loo dalxiis tago.

Tiro badan oo dad ah oo ka soo cararay colaadaha iyo faqriga ayaa ka tallaaba Afrika ilaa Talyaaniga sannad kasta.

Ma cadda halka ay ka soo safartay doonidan balse wakaalada wararka ee Adnkronos ayaa sheegtay in dadka la socday ay u kala dhasheen wadamada Iran,Afghanistan iyo Pakistan.

Burburka doonta ayaa yimid kadib markii ay ku dhacday dhagaxyo , sida ay sheegtay wakaalada wararku.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here