HORDHAC: Bournemouth v Man City

0
43

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Manchester City ayaa isku dayaysa inay kasoo kabato barbardhacyo xidhiidh ah oo ay soo gashay gudaha toddobaadkii hore kulanka ay maanta booqanayaan Bournemouth.

City ayaa maalmo kaddib markii ay farqiga goolasha hoggaanka kaga qabatay Arsenal dhibco si lama filaan ah ugu lumisay Nottingham Forest oo ay 1-1 ku dhammaysteen.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Bournemouth waxa ka maqnaan doona xiddigaha kala ah Lloyd Kelly, Jordan Zemura, Junior Stanislas, Illia Zabarnyi,  Lewis Cook iyo David Brooks.

Dhinaca Man City Pep Guardiola ayaa sheegay inuusan wali hubin taam ahaanshaha kulankan ee Kevin De Bruyne oo xanuunsanaya balse ay seegayaan daafacyada Stones iyo Laporte.

Guardiola ayay macquul tahay inuu markale shax ciyaareedka saddexda daafac kusoo laabto iyadoo Phil Foden garabka midig boos ka heli karo haddii nasiimo loo diro Riyad Mahrez.

Bernardo Silva ayaa markale doorka dambeeda khadka dhexe la dheeli kara Rodri xilli Jack Grealish oo wakhti fiican ku jiraa garabka bidix soo fuulayo.

Shaxaha Macquulka Ah

Bournemouth: Neto; Smith, Stephens, Senesi, Zemura; Billing, Lerma; Ouattara, Traore; Tavernier; Solanke

Manchester City: Ederson; Walker, Dias, Laporte; Rodri, Bernardo; Foden, De Bruyne, Gundogan, Grealish; Haaland

Xogta Kulanka

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 8:30 habeenimo xilliga geeska Africa

Garoonka: Vitality Stadium

Garsoore: Paul Tierney

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here