Ciyaartoy Oo Barcelona Ka Wada Tirsan Oo Xalay Isku Dhax Laayey Old Trafford

0
77

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Barcelona ayay u ahayd habeen xun oo ay ciyaartoydooda qaarkood ku dhowaadeen inay ku dagaallamaan qolka labbiska Old Trafford markii ay soo dhamaatay ciyaartii ay Manchester United 2-1 ku garaacday ee ay kaga reebtay tartanka Europa League.

Weeraryahanka reer Poland ee Robert Lewandowski ayaa intii ay ciyaartu socotay oo waliba dhamaadkii ah waxay isku dhaceen xiddiga da’da yar ee Ansu Fati oo tababarkii maanta ku dhaawacmay isla markaana aan la hubin inuu dib ugu soo noqon doono garoomada inta ka hadhay xilli ciyaareedka.

Sida uu qoray wargeyska AS ee kasoo baxa waddanka Spain, Robert Lewandowski ayaa si toos ah u abbaaray Ansu Fati markii ay dhamatay ciyaartu ee ay qolka labbiska kusii socdeen, wanu istaajiyey isaga oo cadhaysan.

AS ayaa intaa ku daray, in Robert Lewandowski uu doonayay inuu gacanta ula tago Fati oo intii ay garoonka ku wada jireenna la arkayay inuu u cadhaysan yahay.

Ma ahayn markii ugu horreysay ee ay Robert Lewandowski iyo Ansu Fati isku dhacaan waxaana kala jiiday ciyaartoyda kooxdooda oo kala maslaxay.

Si rasmi ah looma oga sababta ay iskugu dhaceen Fati iyo Lewandowski, hase yeeshee waxa la rumaysan yahay in Lewandowski uu ka cadhooday kubbad uu da’yarka reer Spain ka hor madaxeeyey oo ahayd fursad weyn oo ay iska lumiyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here