Shaqaalaha Midowga Yurub oo laga Mamnuucay Barnaamijka TikTok.

0
112
Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Shaqaalaha u shaqeeya Guddiga Midowga Yurub ayaa lagu amray inay taleefannadooda iyo qalabka hay’addaas ka saaraan barnaamijka TikTok.

Guddiga ayaa sheegay inuu dhaqangelinayo tallaabada ah “ilaalinta xogta iyo in la kordhiyo ammaanka internetka”.

TikTok oo ay leedahay shirkadda ByteDance ee waddanka Shiinaha ayaa wajahday eedaymo ah in ay aruursato xogta dadka barnaamijkeeda isticmaala markaas kaddibna ay u gacan geliso dowladda Shiinaha.

Hase yeeshee, mas’uuliyiinta TikTok waxa ay ku adkaysanayaan in aanay u shaqeyn si ka duwan sida ay u shaqeeyaan baraha kale ee ay bulshadu ku wada xiriiraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here