Arsenal Oo War Farxadleh Ka Heshay Dhaawacyada Thomas Partey Iyo Gabriel Jesus Ka Hor Ciyaarta Leicester City

0
87

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa war cusub kasoo saaray xiddigaha dhaawaca kaga maqan kooxdiisa ee Thomas Partey iyo Gabriel Jesus xilli ay isku diyaarinayaan kulanka adag ee Sabtida ay King Power Stadium ku booqanayaan Leicester City.

Gunners oo laba dhibcood ku haysa hoggaanka horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa u baahan guul si ay uga baxsato Man City oo booska labad ku jirta.

Arteta ayaa labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee Manchester City iyo Aston Villa aan haysanin Thomas Partey oo dhaawac ku maqan, sidoo kalena Gabriel Jesus ayaan kooxdiisa u dheelin wixii ka dambeeyey Koobkii Adduunka ee Qatar oo uu dhaawac kasoo gaadhay kaas oo sababay in qalliin lagu sameeyo.

Eddie Nketiah ayaa ahaa weeraryahanka dhexe ee kaliya ee ay Arsenal haystay tan iyo dhaawacii Jesus, hase yeeshee si fiican ayuu u buuxiyey booskaas iyadoo uu gaadhay heer ay khubarada ciyaaruhu ku taliyaan in Gabriel Jesus kaydka loo diro marka uu kusoo laabto garoomada.

Tababare Mikel Arteta oo saxaafadda la hadlayay Jimcihii manta ayaa sheegay, in aanu hubin in Partey uu diyaar u noqon doono ciyaartan, halka xaaladda Gabriel Jesus aanay wali waxba iska beddelin, waxaanu yidhi: “Wax badan iskama beddelin dhawacyada.

“Su’aasha Thomas Partey waxay jawaabteedu tahay in aanu in badan tababarka nala qadanin laakiin uu soo laaban karo. Waynu eegi doonaa sida uu maanta ahaado. Waxa uu seegay kulamo yar, balse in uu soo laabto waanu rajaynaynaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here