Shaqaalaha Koonfur Afrika oo wajahaya dacwad la xiriirta inay ku dul seexdaan xabaalaha.

0
93

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Qaar kamid ah shaqaalaha dowladda hoose ee deegaan katirsan dalka Koonfur Afrika, ayaa wajahaya dacwad la xiriirta inay ku dul seexdaan xabaalaha.

Maamulka dowladda hoose ee deegaan kani, ayaa tilmaamay in qaar ka mid ah shaqaalahooda ay ku soo oogi doonto fal anshax xumo, kaddib markii baraha bulshada lagu baahiyay sawirro muujinaya iyaga oo fadhiya, ama dul seexanaya qabuuro dushooda.

Shaqaaluhu ayaa waxay ka socdeen waaxda beeraha ee dawladda hoose – oo u xilsaaran nadiifinta jardiinooyinka iyo goobaha dadweynaha, sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah.

Ma cadda goorta sawirada la qaaday.

Bayaan ay soo saartay, degmada Msunduzi, ee gobolka Kwa-Zulu Natal ee dalka Koonfur Afrika, ayaa lagu sheegay inay ka warqabto maamulka degmada waxa noqon karaya “sawirro abuuraya khalkhal”.

“Dawladda hoose ma aqbali doonto hab-dhaqanka noocaas ah, waxayna qaadi doontaa hab-raacyo lagu soo oogayo shaqaalahani dacwad la xiriirta anshax-xumo, iyo inay sumcad-xumo usoo jiideen degmada,” ayaa lagu yiri bayaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here