Shirkadda Facebook oo lacag la dhigeysa Calaamada Buluugga.

0
79

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Mulkiilaha shirkadda Meta Mark Zuckerberg ayaa shaaciyey in hadda ka dib la iibsan doono caalamadda buluugga ah ee lagu garto account yada la xaqiijiyey (Facebook blue verification).

Dadka heysta calaamada Buluugga ayaa bil kasta bixin doonta lacag dhan 11 Dollar ilaa 14 Dollar.

Tijaabada koowaad ayaa lagu samayn doonaa waddamada Australia iyo New Zealand halka Caalamka kalena uu ku xigi doono.

Horey Twitter ka ayaa lacag uga dhigtay bartan inkasta oo buuq badani uu ka dhashay qiimihii uu markii koowaad gooyey Elon Musk.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here