HORDHAC: Barcelona v Cadiz

0
53

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Barcelona ayaa la ballansan kooxda booska 16-aad kaga jirta horyaalka La Liga ee Cadiz toddobaadkan xilli ay doonayaan guushoodii 19-aad ee La Liga xilli ciyaareedka.

Barca oo ka warqabta in Real Madrid laba guulood kusoo gaadhay afar maalmood gudahood ayaa caawa doonaysa inay siddeed dhibcood ku celiso farqiga ay hoggaanka ku hayso oo haatan shan dhibcood yimid.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Barcelona waxa usoo laabtay kabtankeeda Sergio Busquets balse waxa ka maqnaan doona mashiinkeedii khadka dhexe ee Pedri iyo Ousmane Dembele.

Barcelona waxa ka ganaaxan Ronald Araujo, tababare Xavi oo kulankan kahor sheegay inuu isbedelo shaxeed samayn karo ayaa kusoo bilaabi kara Sergi Roberto, Balde iyo Kessie isagoo fadhiisinaya Alba iyo Busquets.

Cadiz waxa ka maqnaan doona ciyaartoy badan oo kala ah Joseba Zaldua, Jon Ander Garrido, Jose Mari, Victor Chust, Juan Cala, Alvaro Negredo, iyo David Gil halka uu ganaaxan yahay Alfonso Espino.

Shaxaha Macquulka Ah

Barcelona (4-3-3):Ter Stegen; Kounde, Christensen, Alonso, Balde; Roberto, F de Jong, Kessie; Raphinha, Lewandowski, Gavi

Cadiz (4-3-3): Ledesma; Carcelen, Fali, Hernandez, Arzamendia; Bongonda, Alcaraz, Escalante, Ocampo; Roger, Guardiola

Xogta Kulanka

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Pablo Gonzalez

Garoonka: Camp Nou

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here