Harimacad Afrika laga qaaday oo Hindiya la geeyey

0
85

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – 12 Haramcad oo laga keenay Koonfur Afrika ayaa loo duuliyay Hindiya, taasoo qayb ka ah heshiis lagu soo bandhigayo tobanaan xayawaanno ah tobanka sano ee soo socda.

Haramcadka Aasiyaankaah ayaa ka dabar go’ay Hindiya dabayaaqadii 1940-aadkii sababtoo ah ugaadhsi xad dhaaf ah iyo luminta deegaankii dalkaas ee daaqsinka ahaa.

Sannadkii 2020 Maxkamadda Sare ee Hindiya waxay xukuntay in haramcadka Afrikaanka ah, nooc ka duwan, la keeni karo waddanka “goob si taxadar leh loo doortay” si tijaabo ah.

Ciidamada Cirka ee Hindiya ayaa bartooda twitter-ka soo dhigay sawirro muujinaya xayawaannadaas ku jira oo soo degaya “kadib duulimaad 10 saacadood qaatay oo ay kaga yimaaddeen Johannesburg”. Ka dib waxaa diyaarad helicopter ah lagu geeyay Beerta Qaranka ee Kuno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here