Sacuudiga oo loo doortay martigelinta koobka FIFA Club World Cup ee 2023.

0
46

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Waddanka Saudi Arabia ayaa loo doortay inuu marti-geliyo Koobka Kooxaha Adduunka ee bisha December ee sannadkan 2023, sida ay FIFA ayaa ku dhawaaqday Talaadadii shalay.

Golaha FIFA ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay xiriirka kubadda cagta Sacuudi Carabiya inuu martigeliyo koobkan, oo ay kasoo qeybgalayaan lixda horyaal ee qaaradaha iyo kooxda ku guuleysata horyaalka Sacuudiga.

Tartanka ayaa dhici doona inta u dhaxaysa 12-22 December 2023.

Horraantii bishaan, Sacuudi Carabiya waxaa u doortay xiriirka kubbadda cagta Aasiya inuu martigeliyo Koobka dalalka Aasiya ee 2027.

Sacuudiga ayaa hore u martigeliyay munaasabado isboorti oo ay ku jiraan Super Cup-ka Spain ee sanadkan, horyaalka feerka adduunka ee u dhaxeeya Oleksandr Usyk iyo Anthony Joshua iyo tartanka gawaarida ee Riyaad Grand Prix.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here