Man City oo Arsenal kala wareegtay hoggaanka horyaalka Premier League

0
84

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Manchester City, ee aan la celin karin, ayaa hoggaanka horyaalka Premier leaguge si naxariis darro ah kagala wareegtay kooxda Arsenal, kadib markii ay xalay 3-1 gurigeeda uga soo badisay.

Kooxda Arsenal oo rajeyneysa inay ku guuleysato horyaalka kadib tan iyo 2004 ayaa rajadeeda waxaa gaabiyay City, waxaana goolasha u kala dhaliyay Kevin de Bruyne, Jack Grealish iyo Erling Haaland, halka goolka Arsenal oo ahaa mid rigoore ah uu saxiixay Bukaya Saka.

In kasta oo kulan baaqi u yahay Arsenal, hadana guuldarrdan ayaa aheyd tii ugu horreysay ee Arsenal gurigeeda kusoo gaarta xilli ciyaareedkan.

Kooxda Pep Guardiola ayaa leh 51-dhibcood, waase isku dhibco Arsenal. Farqiga kala sarreyntooda ayaa ah dhanka goolasha.

Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa qiray in City ay ka faa’iideysatay khaladaad dhowr ah oo ay galeen ciyaartooydiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here