Yurub oo qorshe cad ka yeelanaysa gawaadhida shidaalka ku shaqeeya.

0
96

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Baarlamaanka yurub ayaa asnxiyey sharci cusub oo joojinaya in gawaadhida naaftada iyo batroolka aan laga iibin Karin dalalka midawgaas wixii ka bilaabma 2035.

Iyada sida oo kalena qorshuhu yahay kolka la gaadho 2030 ay lagama maarmaan tahay, in kala badh gawaadhida la isticmaalayaa ay ahaadaan kuwo ku shaqeeya habka casriga ee korontada taas oo cimillada u wanaagsan.

Dadka ka soo horjeeeda sharcigan ayaa ku doodaya in arrintani qasbi doonto in ay boqollaal kun oo qof ay shaqo waayi karaan. Halka kuwa taageersan ee dabada ka riixayaa ay ku adkaysanayaan in lagama maarmaan ay tahay, isla mar ahaantaan arrinatai hor kacayso in dalalka midawga Yurub ay qorshahooda yaraynta kaarbonka wax ka geysato, sida oo kalena baabuurta koronta iyo waxsoosaarkooda kula tartamai doonaan shiinaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here