Liverpool oo garaacday Everton

0
75

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kulan kamid ah kuwa ugu xiisaha badan ayaa waxa uu dhex maray kooxaha kawada dhisan magaalada liverpool ee Buluuga & casaanka ee Liverpool & Everton , Kooxahan ayaa taariikh ahaan waxa ka dhexeeya cadaawad xogan labada kooxood ayaa kulankooda uu yahay mid kamid ah taariikhda kuwa ugu dagaalka badan.

Ciyaarta waxey ka dhaceysay garoonka kooxda Liverpool ee anfield ayey ku bilaabtay taxadar & kala feejignaan oo labada dhinac ah , mid kasta waxey k hamineysay sidii natiijo Positive ah ugala bixi laheyd qeybtii , kubad weerar ah oo siwanaagsan ay usoo dhiseen kooxda blue liverpool Everton ayaa birta loogu dhuftay wiilasha gurigooda lagu ciyaarayey lkn kubadaasi waxa ka dhashay Weerar rogaal celis ah Nunes oo box ka kujiray ayaa lasoo orday kubada waxaana uu udhiibtay kooxda Salah waana loo celiyey i uu ula ordo kadibna usoo celiyey waxa qaldamay Goolhaye pickford salah ayaana ka faa’iideystay oo hal taabasho uga dhaliyey.

Martida ayaa isku dayday iney kasoo noqdaan goolka lkn weeraradooda waxey noqdeen kuwo bilaa faa’iido ah kadib markii ay dhaafi waayey xidigaha difaaca Liverpool .

100 – Mo Salah ayaa noqday ciyaaryahankii 13-aad ee ku lug yeesha 100 gool oo Premier League ah waliba hal garoon oo kaliya (71 gool uu dhaliyey , 29 caawin ayuu ku sameeyay Anfield). Waxa uu sidaas ku sameeyay 104 kulan, kaliya Alan Shearer (74 ee Ewood Park) iyo Thierry Henry (92 ee Highbury) ayaa sidaas sameeyay wax ka yar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here