Dowladda Burundi oo koox samatabixiyaal ah u dirtay Turkiga.

0
85

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – In ka badan 28,000 oo qof ayaa ku dhintay Turkiga iyo Suuriya kadib dhulgariirkii Isniintii ku dhuftay dalalkaas. Kooxdaan Burundi u dirtay Turkiga marka ay gaaraan dalkaasi waxaa la geyn doonaa meelaha baahid ugu badan ay ka jirto marka ay timaado in la caawiyo dadka dhibaateysan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Burundi Albert Shingiro ayaa sheegay inaysan jirin muwaaddiniin reer Burundii ah oo ay wax yeello ka soo gaartay dhul-gariirka balse wuxuu sheegay in haweeneey lagu magacaabo Sabria Samir Kaze laga soo badbaadiyay magaalada Gaziantep oo uu aad u saameeyay dhul-gariirku.

Dhanka kale Wasiirka arrimaha dibadda ayaa sheegay inaysan samatabiyaal u dirin Suuriya sababo la xiriira in aan la geli karin meelaha ay dhibaatadu saameysey. Si kastaba ha ahaatee waxa uu carrabka ku adkeeyay inay garab taagan yihiin walaalahooda dhibaataysan ee Suuriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here